Bollywood kaliya uma gaar aha in la sheego wararka wanaaga ah ee dhex-mara aktarada laakiinbwaa sal u ah in mar walba kasoo baxaan warar muran badan dhaliya waxaana la arkaan aktaro marka hore saaxibo noqdaan ka dibna ay isku noqdaan cadow

sida aktarada kala ah Kareena kapoor iyo Bobby Deol iyagoo dhex-martay qiso xun taaso sababtay inaysna mar dambe isla shaqayn waxaana wax walba kasoo bilowdayn inta ay labadooda wada duubaayeen filim Ajnabee

iyadoo filimka uu ka hadlayay sheeko ku saabsan nin iyo xaaskiisa micnaha labo qof oo lamaano ah sida Kareena kapoor waxa ay xaaskiisa ahayd aktarka Bobby doel halka Bipasha ay iyadana ahayd xaaska aktarka Akshay kumar waxaana goobta duubista mar walba imaam jirtay xaaska bobby deol naagta lagu magacaabo Tanya doel

halka sidoo kale Kareena kapoor mar walba la joogtay hooyadeeda Babita iyadoo filimka duubista uu ka dhacday wadamo kala duwan iyadoo dhibaatada iyo muranka uu ka bilowday xilli uu socday duubista filimka ayaa Kareena kapoor hooyadeeda waxa ay wax ka sheegaysay habka jilitaan aktarka Bobby deol taaso ay ku tilmaamtay mid aan u dhamaystirnayn hab jilnkiisa isagoo bobby uu goobta joogay

laakiin hadalkaas iska dhago-tiray waxaana hadlka sii kululeeyay marka Kareena ay soo dhex-gashay dooda iyado kaftanka lasii waday hooyadeeda laakiin waxaa hadaladaas u dulqaadan waayay Bobby deol xaaskiisa Yanya

iyadoo dharbaaxo ku dhuftay atariishada kareena kapoor iyadoo meesha uu ka dhacay dagaal qaraar leh waxaana labada dhinac soo dhex-galay aktarka Akshay kumar oo meesha ka ag dhawaa isagoo dajiyay dagaalka iyo muranka meesha tiilay

sababtoo ah Akshay kumar iyo qoyska kareena aqoon fiican ayay isku leeyihiin Kareena kapoor ayaa si weyn ugu carootay dharbaaxada ay ku dhufatay Bobby deol xaaskiisa waxaana arrinka u gaaray inay Bobby iyo Kareena kala aamusaam muddo badan

iyadoo muddo ka dib waxa ay isla sameeyeen filimka lagu magacaabo Dost laakiin filimkaas Kareena waxa ay ku sameesay codsiga aktarka Akshay kumar sidoo kalena ay yarayd muuqaalada kareena iyo Bobby deol ee filimkaas

ka dib markii Bobby deol uu xaaladiisa aktarnimo ay hoos u dhacday sidoo kalena Kareena kapoor ay noqotay atariisho weyn oo awood leh ayaa waxa ay ka aargudatay Bobby deol sida la sheegay waxa ay Bobby deol ka hor-istaagtay inuu helo saxiixa filimka Jab we met sababtoo ah Bobby deol waxa uu ahaa aktarka dooqa kowaad ee filimkaas waxaan looga saaray filimkaas go’aanka atariishada Kareena kapoor waxaana lagu badalay saaxiibkeeda hore aktarka Shahid kapoor



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here