Bobby Deol iyo Priyanka Chopra aflaam dhowr ah ayee isla sameyeen waxaana kamid ah Kismat, Chamku, Barsaat, Dostana iyo kuwa kale waa xidigo shaqo ahaan is fahamsan sido kalena saaxiibo ah ilaa waqtigaan wada shaqeyn kalana waqtiga u saamixi waayey.

Mid walba reer ayuu leeyahay hader waxaana xusid mudan Bobby markuu Priyanka la shaqeyn jiray inuu xaasle ahaa hadaba waxaa jirto sheeko laga qoray xidigahan sanadkii 2005 xiligaaso PeeCee atoorayaasha Bollywoodka indho-sarcaad ku riday xitaa kuwii xaaslayaasha ahaa ayaa lagu xaman jiray.

Maxay tahay xanta laga qoray Bobby Deol iyo Priyanka Chopra intii la duubaayey Filimka Barsaat (2005) ee jaceylka ah.?

Barsaat waxaa kujirta hees caan ah oo Kumar Sanu iyo Alka Yagnik ku luuqeynayaan waana heeska Filimka ugu fiican ahna heeska magaca Filimka waxaana heeskan lagu duubay meel biyo ah oo xili-roobeed ayaa laga dhigay balse heeska ayaa ah mid isku soo dhowaansho iyo dhunkasho badan ay kujirto ayna jilayaan Bobby iyo Priyanka.

Waxaa la sheegay intii heeska la duubaayey in Bobby is hilmaamay mar kadibna kooxda ayagoo dhahayaan “Cut” oo laga wado muuqaalka waa la duubah ee joojiya jiliinka uu Bobby howshiisa iskasii watay waana xili uu is hilmaamay Priyanka ayuuna aad ugu dhowaa muuqaal dareen ayuuna la duubaayey sida xanta qoreyso.

Kadib waxaa dhacday in Priyanma dhirbaaxo aan kululeen Bobby kudhufato si uu usoo noqdo ileen waa nin tagay kadibna waxaa ka sheegay in Bobby deg deg iskuso celiyay oo xaalada mid degen kadhigay Priyanka ayaa ka xijaabatay aadna isaga ilaalin jirtay Bobby Deol wixii muuqaalkaas ka dambeyay waayo waxay dareentay nin xaasle ah inee soo jiidatay.

Barsaat wixii ka dambeeyay Priyanka Filimada ay Bobby la sameysay qaarkood muuqaalo dareen ah oo Bobby la wadaagi laheed ayaa kujireen balse kooxda Filimka ayee ku amri jirtay inee ka jaraan oo wey diiday inee Bobby la duubto muuqaladaas ayadoo diidaned arinkii hore inuu markale dhaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here