Ayushmann Khurrana xidig laga fisho marwalbo inuu la imaado fariin heer sare ah welibba afartiisa filim ugu dambeeyay HIT dhameestiran ayay noqdeen kuwaas oo kala ahaayeen Andhadhun, Badhaai Ho, Article 15 iyo Dream Girl haatana wuxuu soo bandhigay goos gooska filimkiisa xiga Bala.

Filimka Bala waxaa la daawan doonaa 7 Nov 2019 ama bisha dambe ee nagu soo fool leh waana filim mada daalo dhameestiran leh sidoo kalena qiiro badan waxaana ku wehliyaan labada atirisho ee kala ah Bhumi Pednekar iyo Yami Gautam.

Filimka Bala ayaa ka hadlaayo dhibaatada ay leedahay bidaarta marka ay kasoo baxdo wiil dhalinyaro ah oo aan gaarin xiliga bidaarta iyo cuqdada nololeed ee uu la kulmaayo waxaana siweyn looga helay qaabka mashruucan Ayushmann u matalaayo doorkan dhibka badan marna farxada marna murugada xambaarsan.

Inaba caadi ma ahan goos gooska filimka Bala fadlan nala daawada idinka ayaaba ka heli doontiidn kadibna fikirkiina ka dhiibta mashruucan Ayushmann Khurrana sida heerka sare ah u matalay dhan walbo:

1 COMMENT

  1. Inaba Caadi Ma Ahan
    Xidiga Door Walba Sameyn Kara
    Ayushmann Khurrana
    Filmkiisa Cusub Ee (Bala) Boorsamiintada Laga Soo Bandhigay
    Caadi Ma Ahan Goos Gooska
    Wuxuuna Ku Socda Inuu Noqdo Superstar Isku Filan Waana Jilaa Bollywoodka U Baahan Yihiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here