Wax sahlan ma ahan Filim jilista atoorayaasha qaarkood dhibka ay ka maraan dadka badanaa ma dareemi karaan ama xog kama aysan maqal waligood oo shaashada wixii la horkeeno unbee iska daawan jireen.

10 jilaa Bollywoodka katirsan oo Ragg iyo Dumar isugu jiraan ahaa xiliyo kala duwan cadaadis iyo dhib badan u mareen sidee kaga dhabeyn lahaayen doorarkooda shaashada ayagoo miisaankooda marna nusqaaminayeen marna siyaadinayeen hoos kaga bogo liiska 10-ka jilaa.

Ranbir Kapoor: Jilaagan waxuu kaga dhabeeyay shaashada muuqaal ahaan inuu isku ekeeysiiyo Sanjay Dutt maadama Filimka Sanju uu nolosha Baba kaga hadlaayey Ranbir murqihii Sanja ayuu sameeystay dhib badan iyo jir dhisitaan badan ayuu ka maray xidigaan waliba waqti yar oo xadidan ayuu jirkiisa si dhaqsi leh ugu bedelay waana Filimka Ranbir ka dhigay xidig la tartama Khans-ka dhanka Star Power-ka waqtigaan.

default_image

Bhumi Pednekar: inaba caadi ma ahan Bhumi sida hagar la’aanta ah ay kaga baxsatay Filimka Dum Laga Ke Haisha waana filimka ay kusoo caan baxday xidigaan, 30 kiilo ayee miisaankeeda ku dartay si ay shaashada ugu jisho haweeyneyd miisaan culus markee duubsita filimka dhameeysay ayee hadana iska dhintay miisaankan ileen doorkan kaliya inee kusameyso ayaa looga baahnaa Bhumi waa mid kamid ah atiriishooyinka kartida badan.

default_image

Hrithik Roshan: Jilaagan filimo badan si uu doorkiisa kaga dhabeeyo ayuu marna miisaankiisa sare ugu qaadayey marna u dhimaayey sida Gusaarish, Krrish 3 iyo WAR waliba WAR waxuu Hrithik ka maray dhib badan sababto ah intuusan duubis ku bilaawin mashruucan xidigaan calool yar oo la fahmi karo ayuu lahaa jirkiisana wuu isku dhex dhacsana dadaal dheer ayuu usoo maray inuu markale kudhiso jirka.

default_image

Lasoco Qeybta 3-aad!!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here