“Marnaba maka shalaaynayo Nolasheyda” Raveena tandon cabqariyadi weeneyd Bollywoodka oo lagu arki doono mashruuc weyn!!

0
1522

Raveena Tandon: Ma jiraan wax aan ka beddelayo noloshayda Atariishada Raveena Tandon waxay rajeyneysaa doorkeeda soo socda ee filmka shirkada Kannada ugu weyn, K.G.F Cutubka 2aad,

Raveena 29-sano ee xifradaan kudhaxjirtay waxee dooneysa inee si fcn ugusoo muuqato mashruucaan qeybtiisa 1aad guusha lixaada leh gaaray, iyadoo dhahday maalin walba nolosheeda waa cashar cusub. “Waxay ahayd safar dheer oo aad u wanaagsan, waa hubaal, wax badan ayay i bartay. Waxaan xasuustaa inaan aad u yaraa markii aan bilaabay. Ma aheyn wax fudud laakiin ma aanan joojin oo marwalba waan dadaalay si aan u helo meel ixtiraam leh Waxbadan ayaan bartay sanadahan oo dhan. Noloshu waa macallinka ugu fiican, maalin kasta waxay la timaadaa cashar cusub, ayay tiri.

Raveena waxay ahayd 16 jir markii ugu horeysay Bollywoodka ee kalasoo muuqatay Salman khan sanadkii 1991 filimka “Patthar Ke Phool”, ilaa waqtigaasna xirfadeeda ayaa kor u sii kaceysay. Iyadoo muujin jirtay markasta dadaalkeeda, Raveena waxay sidoo kale la wadaagtay taageerayaasheda inaysan wax qoomamo ah nolosha ka qabin. “Wax qoomamo ah kama qabo nolosha. Marnaba kama qoomameynayo wax kasta. Waxaa laga yaabaa inaan ku riyoodo riyo aan dhameystirneyn laakiin marnaba kama qoomameynayo wax kasta oo aan sameeyay.

Waxaan rumeysanahay in qaddartu eedahay waddo aan raaco. Waan jeclahay noloshayda. tan mooyee. Ma jiraan wax aan jeclaan lahaa inaan ka beddelo noloshayda. Waxaan u qaldamay sida aadanaha oo kale. ayee raacisay. Raveena filimkeeda soo socda ee “K.G.F: Cutubka 2aad” waxaa jilaya Kannada Superstar Yash oo door muhiim ah kuleh Srinidhi,

waxaana lajilayaa atooraha Bollywoodka Sanjay Dutt. La socoshada filimka weyn ee 2018 “K.G.F Cutubka 1aad” waxaa Director ka ah Prashanth Neel, waxaana lagu wadaa in la sii daayo October 23.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here