Superstar Ajay Devgn 8-bilood ugu dambeesay gurigiisa ayuu joogay xili uu wiilkiisa Yog Devgn ka war haayay laguna jiray saameynta karoonaha sidoo kalena xaaskiisa Kajol bishii August waxay u duushay dhankaas iyo Singapore si ay u wehliso gabadhooda currada ah Nysa Devgn oo halkaas waxbarasho u joogto. Balse Ajay hadda guriga wuu kasoo baxay wuxuuna ku sugan yahay magaalada Hyderabad bishaana waa bil u qaas ah dhanka shaqada.

Ajay Devgn tan iyo todobaadkii hore wuxuu istuudiyaha caanka ah Ramoji Rao magaalada Hyderabad ku yaalo ku dubayaa qeybaha ugu dambeeyo filimkiisa lagu magacaabo Bhuj – The Pride Of India kadibna filimkan waxaa si toos ah looga daawan doonaa barta Disney+Hotstar si Online ah wuxuuna Ajay ka mid yahay soo saarayaasha filimkan oo ay ku wehliyaan Sanjay Dutt, Sonakshi Sinha iyo jilaayaal kale.

Ajay 11-ka bishan December ama todobaadka dambe wuxuu duubis ku bilaabi doonaa filimka Mayday ee uu Director, soo saare iyo hogaamiye ka yahay waxayna duubistiisa ka socon doonaa Hyderabad ilaa la gaarayo horaanta bisha Janaayo ayadoo jadwalkan kusoo biiri doonto Rakul Pureet Singh bartamaha bishan, halka Amitab Bachchan isagana jadwalka duubista mashruucan soo xaadiri doono markii Mumbai lagu soo laabto bisha Janaayo bartamaheeda.

Dhinaca kale Ajay dabyaaqada Janaayo 2021 wuxuu ama qaadi doonaa duubista filimkiisa Maidaan oo muuqaalo kooban ka harsan yihiin wuxuuna ku matalaa nolosha macalinkii hore xulka kubada cagta Hindiya leylin jiray Sayed Abdul Rahim intii u dhaxeesay 1951 ilaa 1962 leylinaayay.

Ugu dambeyntii Ajay Devgn wuxuu codeyn doonaa doorkiisa uu ku leeyahay filimka RRR ee Ram Charan iyo Jr. NTR hogaamiyaal ka yihiin madaama shaqo ahaan muuqaalada filimkan uu ku leeyahay marhore uu duubay balse coddeynta doorkisa ayaa u dhiman inta uu magaalada Hyderabad joogo sidaa darteed Superstar-kan mashquulkiisa waa xad dhaaf ilaa laga gaaray horaanta Febraayo 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here