Masjid ku yaalo India oo loo badalay Macbad Asnaamta lagu caabudo xili Masjidkii la bur-buriyay.

0
710

Maalintii shalay aheyd Masjidka Babur ee Hindiya ku yaalay kaasoo ku dhawaad 30 sano kahor la burburiyay ayaa waxaa loo badalay macbad Hindooska asnaamtooda ku caabudaan.

Masjidka Babur waxaa la dhisay qarnigii 16aad ee Miilaadiga waxaana dhisay Imbiradoorkii Mangolia ee Muslimka ahaa Dahiiru-Diin Mohamed Babur asigoona ku fadhiyay dhul cabirkiisa tahay 27 Hiktar.

Masjidkaan ayaa wuxuu ku yaalaa magaalada Ayodhya oo katirsan Stateka Uttar Pradesh ee dhaca waqooyi India.

Hindooska oo ay horkacayaan siyaasiyiin xag-jir ah ayaa markasta isku dayi jiray sidii ay masjidkaas dhulka balaaran ku fadhiyo ula wareegi lahaayeen ilaa ay markii dambe gabi ahaanba masjidka burburiyeen sanadkii 1992diii.

Haatan waxay doonayaan goobta burburka Masjidkaas iney macbad uga dhisaan asnaamta ay caabudaan shalay oo arbaco aheyd ayuuna howshaas daah-furay Ra’iisul wasaaraha India Narendre Modi oo qudhiisa ah cunsuri weynaaday muslimiintana aad u neceb.

Isku so wada duuboo dhulka 27da Hiktar ka koobnaa ee uu Masjidka ku yaalay Maxkamada India waxay Muslimiinta u ogolaatay 2 Hiktar kamid ah iney Masjid yar ka dhistaan inta kalana Hindooska ayaa lagu wareejiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here