Shah Rukh Khan ayaa tijaabiyay inii shaashada filimka inuu labo door kaga soo muuqdo hal filimka kaaso lagu magacaabo Duplicate kaaso dadka soomaalida in badan daawadayn

filimkan Shah Rukh Khan labada door ku jilaayay waxaa la wadayn labo atariisho oo lagu kala magacaabo Sonali Bendre iyo Juhi Chawla sidoo kale waxaa filimkan qayb ka ahayd Farida Jalal oo Shah Rukh Khan hooyadiisa filimkaas ku jilaysay

laakiin waxaad la yaabi doonta markan ku yiraahdo Kajol ayaa waxa ay kasoo muuqatay filimkqas iyadoona Shaashada filimkaas la wadaagtay aktarka Shah Rukh Khan iyagoona daawadayaasha xasuusiyeen filimkooda Kuch Kuch Hota Hai

dadka in badan ma aaminsanayn inuu muuqaalkaas ku jiro filimkaas muuqaalkan waxaa xili Shah Rukh Khan ku sugan yahay goobaha Trainka laga raaco isagoo raadinaya gabar uu guursado waxaana ay wada kulmayaan Kajol isagoo ku oranaya ma i guursanaysaa iyadana way ka diidaysaa ka dibna waxa ay ku qaylinaysaa magaca Raj ka dibna waa ay ka tagaysaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here