Riteish waa atoore looga haray dhanka shactirada kuna caan baxay filimada Comedy ga tan iyo markii uu fanka kusoo biiray.

Aflaamta uu wacdaraha ka dhigay xidigaan wax lasoo koobi karo ma aha waxaa kamid ah hadaan qaar ka  mid ah soo qaadano aflaamtas, taxanaha filimada Masti, Dhamaal, Houseful iyo kuwa kaloo badan.

Hadaba Riteish oo had iyo jeer diyaar u ah inuu madadaaliyo daawadayasha yaan waxaan idiinka heynaa xidigaha uu Bollywoodka ka

taagero iyo waliba filimka uu ugu jecelyahay Bollywoodka.

Wuxuu taagero rasmi ah u yahay labada halyeey ee kala ah Amitabh Bachchan iyo Shah Rukh Khan, oo uu waligiis taagero u ahaa.

Sido kale dhanka atariishoyinka wuxuu si rasmi ah taagero ugu hayaa Madhuri Dixit iyo Sridevi, halka filimka uu aadka uxiiseyo uu yahay DDLJ oo ay wada jileen SRK iyo Kajol.

Sportska u imaaw Cricket ka ayuu aad u xiiseya sido kale Director Inder Kumar ayuu ugu xiiseyaa Dhamaan Directors-ka India.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here