Shirkadda aflaanta Bollywood Film Industry wax walba ayaa ka dhaca marka laga hadlayo nolosha dhabta ah, waxaa isguursada jillaayaasheeda tujaarka ah, waxaana sidaas ku dhaca aroos qaali ah.

Balse sidoo kale waxaa shirkadda aflaanta Bollywood waxaa lagu arkaa fadeexooyin keena in saxaafaddu ay wax badan ka hadasho muran badanna ka dhasho. Inta badan arrimaha jaceylka ayaana ah waxa ay taageereyaasha Bollywood Town dhegta u taagaan.

Warbixintaan tixanaha ah waxaan kusoo qaadan doonaa jillaayaasha caanka ah ee Bollywood kuwaasoo muran dhexda ka galay ka dib markii ay wadaageen jaceyl seddax geesood ah (Love Triangles Of Bollywood).

Jaceyl seddax geesood wuxuu noqdaa marka ay laba nin hal waqti isla shukaansadaan hal gabar, ama marka uu hal wiil laba gabdhood isla shukaansado hal waqti, sidoo kale haddii nin leh xaas uu gabar kale haasaawe la wadaago… Kusoo dhowaada maqaalkaan xiisaha badan.

#11. Salman Khan – Katrina Kaif – Ranbir Kapoor

Katrina ayaa haasaawe la bilowday Salman durba markii ay kusoo biirtay Bollywood. Warbaahinta India ayaana adduunka u baahisay inuu Sallu Bhia ugu dambeyn helay gabadhii uu raadin jiray ee uu iskaabulonimada uga bixi lahaa.

Balse duubistii filimkii Ajab Prem Ki Ghazab Kahani (2009) ayaa wax walba bedeshay markii Ranbir iyo Katrina ay bilaabeen inay haasaawe sameeyaan. Ranbir wuxuu qudhiisu soo khiyaamay Deepika waqtigaas. Waxaana halkaas ku burburay laba xiriir, halka hal xiriir uu ka dhashay.

#12. Yogita Bali – Mithun Chakraborty – Sridevi

1980meeyadii, Sridevi iyo Mithun xiriirkooda jaceyl wuxuu ahaa mid aad looga faallooday xitaa labadoodu qaab qarsooni ah ayey isku guursadeen.

Mithun wuxuu guurkaan u bareeray isagoo durba qabay atariishada Yogita Bali. Markii ay Sridevi ogaatay in uusan Mithun marnaba furi doonin xaaskiisa Yogita Bali, waxay go’aansatay inay nolosha u firaaqeyso Mithun, warbaahinta horteeda ayeyna ka qiratay inay qarsooni isku guursadeen.

#13. Mona Shourie – Boney Kapoor – Sridevi

Aabe leh laba caruur ah Boney Kapoor wuxuu si farxad ah u qabay Mona Kapoor ka hor inta aysan Sridevi burburin gurigooda.

Isku dhowaanshiyaha Boney Kapoor iyo Sridevi lama aysan socon Mona mana aysan ogeyn inay xiriir leeyihiin. Laakiin markii dambe adduunka oo idil ayaa ogaaday xiriirkii u qarsanaa.

Maxaa yeelay Sridevi ayaa uur u yeelatay Boney. Wixii intaas ka dambeeyey Boney iyo Mona ayaa kala tegay.

#14. Prakash Kaur – Dharmendra – Hema Malini

Halyeeyga Bollywood Dharmendra ayaa wuxuu jaceyl xad dhaaf ah u qaaday Hema Malini waana sannadkii 1970kii markaasoo ay duubayeen filimkii Tum Haseen Main Jawan.

Inkastoo uu qabay Prakash Kaur taasi kama aysan horjoogsan Dharmendra inuu haasaawe la sameeyo xiriir jaceyl oo qotodheerna la yeesho Bollywood Dream Girl… Ugu dambeyntiina, Hema Malini ayaa aqbashay inay guursato Dharmendra.

Laakiin inta uusan guurkoodu dhicin, Dharmendra iyo Hema Malini ayaa qaatay Diinta Islaamka, waxaana la sheegay inay taasi ugu wacneyd maadaama ay xaaskii koowaad ee Dharmendra diiday inuu furo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here