Shirkadda aflaanta Bollywood Film Industry wax walba ayaa ka dhaca marka laga hadlayo nolosha dhabta ah, waxaa isguursada jillaayaasheeda tujaarka ah, waxaana sidaas ku dhaca aroos qaali ah.

Balse sidoo kale waxaa shirkadda aflaanta Bollywood waxaa lagu arkaa fadeexooyin keena in saxaafaddu ay wax badan ka hadasho muran badanna ka dhasho. Inta badan arrimaha jaceylka ayaana ah waxa ay taageereyaasha Bollywood Town dhegta u taagaan.

Warbixintaan tixanaha ah waxaan kusoo qaadan doonaa jillaayaasha caanka ah ee Bollywood kuwaasoo muran dhexda ka galay ka dib markii ay wadaageen jaceyl seddax geesood ah (Love Triangles Of Bollywood).

Jaceyl seddax geesood wuxuu noqdaa marka ay laba nin hal waqti isla shukaansadaan hal gabar, ama marka uu hal wiil laba gabdhood isla shukaansado hal waqti… Kusoo dhowaada maqaalkaan xiisaha badan.

#1. Rekha – Amitabh Bachchan – Jaya Bhaduri

Amitabh iyo Rekha ayaa wadaagay xiriir jaceyl oo muran badan ka dhashay, wuxuuna kasoo bilowday filimkii Do Anjaane (1976). Jaceylkoodu wuxuu noqday mid aan ka qarsaneyn taageereyaashooda, hadalheyntiisa ayaana hawada gashay wixii ka dambeeyey markii ay sameeyeen filimkii Silsila.

Amitabh wuxuu markaas qabay Jaya, xitaa waxaa la baahiyey inuu qaab qarsooni ah faraanti ugu geliyey Rekha – adduunyada ayaana warkaas inta badan aamintay markii ay Rekha timid arooskii Rishi Kapoor iyo Neetu Singh iyadoo xiran mangalsuut (Mangalsutra), sidoo kalena uu sanduur (Sindoor) u marsan yahay, sida lagu yaqaanno gabar Hindi ah oo la qabo.

Amitabh iyo Rekha ayaase boorsooyinka kala qaatay xiriirkoodiina soo afjaray a dib markii ay yaqiinsadeen in aysan laheyn mustaqbal wadajir ah.

#2. Katrina Kaif – Ranbir Kapoor – Deepika Padukone

Ranbir Kapoor iyo Deepika Padukone markii ay kulmeen wixii ka dambeeyey waxay noqdeen saaxiibo, jaceyl ayeyna isku qaadeen bilowgii xirfaddooda Bollywood.

Balse labadoodu waxay kala hareen laba sanno ka dib markii ay Deepika ogaatay inuu khiyaanay Casanova of Bollywood ama Ranbir maadaama uu xiriir jaceyl la bilaabay Katrina Kaif… Ranbir ayaana markii dambe afkiisa ka qirtay inuu khiyaanay Deepika.

#3. Shahid Kapoor – Kareena Kapoor – Saif Ali Khan

Muddo dheer oo ay saaxiib ahaayeen ka dib, Shahid Kapoor iyo Kareena Kapoor ayaa jaceyl isku qaaday, laakiin durba xiriirkoodii jaceyl dhib ayuu bartanka ka galay.

Kareena ayaa xiriir jaceyl la bilowday Saif Ali Khan wixii ka dambeeyey markii ay la sameysay filimkii Tashan. Wixii intaas ka dambeeyey waxaa burburay xiriirkii jaceyl ee ka dhexeeyey Kareena iyo Shahid, iyadoo markii dambe guursatay Saif oo ay hadda wiil u heyso.

#4. Harman Baweja – Priyanka Chopra – Shahid Kapoor

Love Story 2050 ayaa ahaa filimkii isku soo dhoweeyey Priyanka Chopra iyo Harman Baweja. Laakiin filimkaasi wuu guuldarreystay (Flop), sidaas oo kale ayuuna jaceylkoodii u guuldarreystay.

Wixii intaas ka dambeeyey PC ayaa jaceyl u qaaday Shahid Kapoor intii ay isla duubayeen filimkii Kaminey, laakiin xiriirkoodii jaceylna si dhaqsi ah ayuu kusoo idlaaday.

#5. Sussanne Khan – Hrithik Roshan – Barbara Mori

Hrithik wuxuu sannadkii 2000 guursaday Sussanne Khan oo ay yaraantoodii isjeclaayeen. Laakiin xiriirka lammaanahaan ayaa dhibaato badan iyo warar xan ah soo foodsaareen.

Intii lagu jiray duubistii filimka Kites, Hrithik wuxuu haasaawe la bilaabay Barbara Mori oo ah atariisho u dhalatay Mexico. Warbaahinta India ayaana arrintaan si aad ah uga faallootay. Sussanne iyo Hrithik xiriirkoodii jiray 17ka sanno ayey taasi saameyn ku yeelatay iyagoo kala tegay sannadkii 2014kii.

La soco qeybta labaad ee sheekadaan berri xilligaan oo kale Insha Allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here