Saif Ali Khan waxaa tiyaatarada u saaran filimka Laal Kaptaan ee aan hadal heynta xoogan xambaarsaneyn sidoo kalena maalintiisii kowaad Jimcadii ganacsi liito ayuu sameeyay oo ahayd 50 Lakh balse shalay oo Sabti ahayd mashruucan sare u kac maba uusan sameyn wuxuuna keenay isla 50 Lakh (Trade Figure).

Filimka Laal Kaptaan mudo labo maalmood haatan wuxuu soo xareeyay 1 Crore (Trade Figure) waxayna u badan tahay sedexdiisa maalmood ugu horeyso 2 Crore ilaa 2.50 Crore inuu keeni doono kadibna wey ku adkaan doontaa inuu sii socdo madaama Isniin ilaa Khamiis maalmo shaqo tahay.

Dhinaca kale Angelina Jolie filimkeeda Hollywood-ka ah Maleficent – Mistress Of Evil isagana 70 Lakh ayuu keenay shalay oo sabti ahayd waxayna ka dhigan tahay mudo labo maalmood ah inuu filimkan soo xareeyay 1.40 Crore (Trade Figure) waana mashruuc kale oo isagana siweyn u fashilmay.

Qolyaha tiyaatarada iska leh waxay sugayaan filimka weyn Housefull 4 oo Jimcadan masraxa la wareegi doono inta laga gaarayo waqtigaas waxay ka dhigan tahay filimka War oo todobaadkiisa sedexaad ku jiro in lasii daawan doono ganacsi wacana sii sameyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here