Kichcha Sudeep waaa Superstar kasoo jeeda koonfur India si qaas ahna awood balaaran ku leh dhankaa iyo Kannada waxuu sanadkaan dhamaadkiisa la imaan doonaa filimka Dabangg 3 ee uu ku jilaayo doorka Balla waan kaaba laadarka ugu weyn filimka halka Salman Khan hogaamiye ama atoore kowaad ka yahay.

Sudeep waxuu ku mashquulsan yahay xayeysiin u sameynta mashruucisa kowaad ee Bollywoodka uu Salman la jilaayo waxuuna dareen ahaan aad ugu faraxsan yahay inuu kusoo biiray Bollywoodka sido kale waxuu daadihiye ka yahay barnaamijka Big Boss qeybtiisa koonfurta Kannada ee India halkaas ayuuna Dabangg 3 xayeysiin ugu sameeynaayey.

Isagoo barnaamijkan ku guda jira ayuu arimo xiiso leh shaaca ka qaaday dadkana kaga bogteen waxaana kamid ah in Filimka Kaho Na Pyaar Hai iyo noloshiisa gaarka ah xiriir weyn ka dhaxeeyo waxuuna yiri isagoo sharaxaayo xiriirkaas.

Dabangg 3 actor Kichcha Sudeep reveals Hrithik Roshan starrer Kaho Naa Pyaar Hai has a major connection with his life

“Xaaskeyga waxay taageero weyn u tahay Hrithik Roshan 2-dii sano ugu horeyeen ee uu cusbaa filimka Kaho Na Pyaar Hai sido kalena uu tiyaatarada saarnaa waxay xaaskeyga daawatay in ka badan 10 jeer waliba markii uu cusbaa aad ayee u daawan jirtay.”

“Mar walba oo uu Hrithik shaashada soo galo wey I qanjuruufan jirtay iyadoo iigu baaqeysa in HR shaashada soo galay run ahaantii waa taageeraha ugu weyn HR xaaskeyga sido kale waxay iigu caga jugleen jirtay ilaa hadana dabeecad ka ah inaan marwalba tiyaatarka u wado hadii Hrithik Filim cusub la yimaado ama ay iga tagi doonto.”

“Kaho Na Pyaar Hai dhowr iyo tobanka jeer ay tiyaatarka ka daawatay dhamaantooda aniga ayaa waday waayo waxay iigu hanjabtay inee ninkale iga raaci doonto hadii aan ka diido inaan wado marka Kaho Na Pyaar Hai nolosheyda qaas ayuu ku yahay waa mid saameeyn gaar ah igu leh.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here