Waxaan horey idin kula wadaagnay atooraha fariin walbo sameyn karo ee Bollywood-ka ku faanaan Ayushmann Khurrana iyo atirishada quruxda badan Vaani Kapoor inay hal filim ku midoobeen sidoo kalena mashruucan qorshihiisa yahay sanadka dambe in la daawado oo tiyaatarada la saaro.

Haatan mashruucan waxaa ka cusub in loo bixiyay magac ahaan Chandigarh Kare Aashiqui sidoo kalena duubistiisa mudo 2-bilood xariir ah kusoo idlaatay sida ay shaaca ka qaadeen kooxda filimkan maal galineyso Bhushan Kumar iyo Pragya Kapoor.

Filimka Chandigarh Kare Aashiqui intiisa badan waxaa lagu duubay deegaanka Chandrigarth ee Waqooyiga Hindiya dhaco waana markii ugu horeesay Ayushmann Khurrana iyo Vaani Kapoor shaashada kasoo wada muuqan doonaan waxaana filimkan jaceylka iyo fariinta waaqiciga ah isku jiro Director ka ah Abhishek Kapoor ayadoo 48-maalmood lagu soo gaba gabeeyay duubistiisa halka marka qorshaha ahaa mudo 60-maalmood shaqo ahaan in lagu dhameestiro.

Filimka Chandigarh Kare Aashiqui waxaa la qorsheenaa 4-bilood ugu horeyso sanadka cusub 2021 gudaheeda in la daawado wuxuuna Ayushmann Khurrana kalsooni ku qabaa in daawadayaasha ka heli doonaan mashruucan Vaani Kapoor isla sameeyeen madaama fariintiisa jaceyl tahay mid waaqici ah oo casrigan la jaan qaadeyso wuxuuna u mahad celiyay Director Abhishek Kapoor oo isaga u doortay inuu filimkan xiisaha badan hogaamiye kowaad ka noqdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here