Director SS Rajamouli wuxuu bilooyinkii ugu dambeeyay waqtigiisa oo idil wada galiyay dhameestirka filimka weyn RRR ee hogaamiyaal ka yihiin Ram Charan iyo Jr NTR halka Ajay Devgn iyo Alia Bhatt doorar muhiim ah ku leeyihiin waana filimka ugu weyn fanka Hindiya oo idil la imaan doonaan sanadka dambe madaama miisaaniyad xoogan xambaarsan yahay sidoo kalena jilaayaasha fanka ugu awooda badan la isugu keenay si caalami ahna loo sameenayo.

Waxaa la ogaaday in hadda kooxda filimka RRR ku sugan yihiin deegaanka beeraleyda ah Mahabaleshwar ee gobolka Maharashtra ka tirsan waxayna ku duubayaan jadwal kooban oo Ram Charan iyo Jr NTR u gaar ah, kadibna waxaa la sheegay in kooxda filimkan ku laaban doonaan magaalada Hyderabad si loogu soo gaba gabeeyay shaqada mashruucan oo haatan la sheegay inta badan 90% in la duubay.

Filimka RRR waxaa lagu daawan doonaa luqadaha Telugu, Hindi, Tamil, Malayalam iyo Kannada waana filim miisaaniyad xoogan xambaarsan oo sare u dhaafeyso 450 Crore waxaana lagu kalsoon yahay ganacsi taariikhi ah inuu sameyn doono sanadka dambe marka tiyaatarada la saaro madaama uu Director ka yahay SS Rajamouli oo ku caan baxay sameynta aflaan tayo wanaagsan weliba awood ahaan Hindiya ku qabsaday labadiisii filim ugu dambeeyeen Bahubali 1 iyo Bahubali 2.

Ram Charan iyo NTR waxay filimkan ku matalayaan labo dagaalyahan oo xurnimada Hindiya u dagaalami jireen waqtigii 1920-aadkii waxayna kusoo bandhigi doonaan awood xad dhaaf ah ayagoo gumeysiga Ingiriiska xiligaas Hindiya heestay la dagaalami doonaan halka Ajay Devgn isagana garab weyn doono sidoo kalena waxaa la aaminsan yahay in Alia Bhatt filimkan ku jileyso Ram Charan lamaantiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here