Maxaa ka cusub geerida Sushant Singh, meeydkiisa mala gubaa Police-ka maxay cadeyn heleen iyo aqbaar kale:

0
4408

Sheekada xalay waxay joogtay warar saxaafada soo saareen oo ay ku sheegen in Sushant isku dilay murugada geerida hooyadiis uu soo xasuuustay taaso 18-sano kahor geeriyootay hadaba subaxan xaalka halkuu maraa waxii warar ahaa hoos kaga bogo kuna saabsan geerida Sushant Singh:

Aabihiis iyo qaraabada kale ayaa Mumbai subaxnimadan deg deg ku imaadeen si ay kaga qeyb galaan tacsida Sushant Singh Rajput kaaso maanta toos loo galbinaayo ama la gubaayo sida caadada hinduga ah. Police-ka wali ma aysan soo saarin war rasmi ah oo cadeynaya sababta Sushant Singh iski dilay laakiin dadaal dheer ayee wadaan walina Meeydka Sushant lagama soo saarin qeybta baarista oo howshiisa ayaa socoto.

Sushant Seedigiisa oo askari Police ah ayaa Mumbai maanta usoo socdo waxuu qabaa mid kamid ah 4-gabdho Sushant la dhashteen waxuuna aaminsanyahay in Sushant is dilin ee dil qorsheysan yahay arinkaas ayaana subaxan saxaafada aad u qabsaday.

Waxuu yiri,”aniga shaqsi ahaan markaan u hadlo ma aaminsani in Sushant is dilay ee waa qorsho arin weyn ayaana ku hoos duugan waxaan ahay qof ku xeel dheeren kiisaska dilalka iyo sida loo baaro waana ballan inaan deg deg kusoo saaro arinka qarsoon” ayuu yiri ninkaan askariga ah mar uu saxaafada la hadlaayey.

Police-ka waxay ogaadeen Sushant inta uusan is dilin habeen hore sacaado kahor waxuu taleefanka ka wacay saaxiibkiisa qaaska ah oo ay iskala shaqeyn jireen dhanka Tv-yada musalsalada balse taleefaanka lagama qabanin Sushant waxayna xiligaas saacada ahed 12:00am xili saqdhexe ah saacado kadibna wuuba is dilay waa arin maskaxda dadoa ka wareerisay sheekada Sushant is dilkiisa.

Maanta ama galabta 4:00pm galabnimo ayaa si rasmi ah Mumbai loogi gubi doonaa meydka Sushant wixii war kasoo kordha Filimside kala soco intaas waa wararkii ugu muhiimsanaa ee subaxnimadan soo baxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here