Maxaa ka dhacay wadanka Masar? iyo xaalad halis ah oo taagan.

0
446

MAXAA KA DHACAAYA MASAR?.

• Sababta ee Dadka u banaan baxaayaan ayaa loo arkaa inee Salka ku heeso USA & CHINA oo mid walba rabo inuu qayb weyn ka yeesho maamulka Dalkaasi.

Dadka inay banaanada usoo baxaan waxaa sabab u ah Xubin sare oo Hore uga tirsanaa Ciidanka Masar hadana ku nool Spain, Ninkii Dalka Afganbiga ku qabaaday ee Sisi na waxuu ku maqan yahay New York oo uu Shir ku leeyahay.

• Shirkada Huawei ee China ayaa Masar ka caawisa Isgaarsiinta, welibo waxaa la sheegaa oo lagu xantaa inee Sisi ka caawiyaan Program uu ku dhageesto Shacabka dalkaas. Masar ayaana heesan Maalyad wanaagsan 2 Billion ayay ka qaadatay IMF lkn USA iyo EU ayaysan ka helin lacagte u baahneed.

• Masar & China ayaa 20 kii August wada sameeyay Dhoolatus Militari, sidoo kale Masar ayaana iska diiday April Qorshahii ee Israel iyo USA ay madaxa iskugu gelinaayeen Iran iyo Dalalka Carbeed.

• China ahaan Masar waxay u tahay Dhul aad ugu muhiimsan Badeecooyinkooda iskaga kala Gooshaaya Badaha (Badweynta Hindiya, Bada Cas iyo Mediterranean ka), China ayaa Maalgashiyadii ay bilaawday Xukuumadii Mursi sii waday xukuumada jirta hada ee Sisi si ay u daciifin Awooda ay kuleedahay Dalkaas kuna wareegin USA.

• Dhaleeceemaha Dalalka Bari iyo USA ee Sisi ayaa Faaido u noqday China, iyagoona Heshiisyo cusub oo Ganacsi iyo Istiraatiiji ah kala saxiixday 2dii sano lasoo dhaafay.

• Banaan baxaan ayaa loo aqrinayaa inuu yahay mid lagu leeyahay Sisi; Dhankee tahay, Masar ayaa u baahan deemo taasoo ay ka heleeso China. Sidoo kale reero Yurub & USA Ayaa ka xanaaqay 20kii August Maraakiibtii Dagaalka China ee imaaday Bada Masar.

• Shacabka Masar xaataa waayahii Mursi ugu awooda badnaa ciidanka maysan la galin dagaal. Waxayna u muuqataa in Sisi uu waqti hore kasoo laaban doono USA, Ciidankana Amar siin doono kadibna Shacabka Guryahooda ay ku laaban doonaan. Isaga aqoonsado inee tani ahayd DIGNIIN.

• Hadii Sisi uu ku waano qaadan waayo waxay u muuqataa in USA mar kale Afganbi kale ku daydo Masar keensatana nin u shaqeeyo. Laakiin aday Ingiriis soo dhex galaana waxay u badan tahay in Ciidanka kala jabin doonaan, taasoo sababi karta una badan tahay in Dagaal sokeeye ka dhaco Masar.

• Sida ognahay Ciidanka Masar ayaa Dalka dhan ku baahsan taasoo u muuqan inee Shacabka Hub iyo dagaal la galaan. Laakiin Ciidanka Generalo midna Ingilis u dhaw iyo mid u dhaw Mareekan ayaa maamula, yacni China + City Of London dhan, dhanka kalena USA iyo waxii la safan. Iyadoona u muuqato in ugu danbeyn USA looga awood roonaan doono Xukunka Masar.

Mahadsaniin, Waxaan fila inaa wada aqrisay

W.Q. Zekerie Mohamed Salah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here