Maxaa ka jira in Deepika Padukone iyo John Abrahan ay cidleeyeen Shahrukh Khan ugana baxeen Filimkiisa Pathan?

0
1398

Kadib markii la shaaciyay in filimka Pathan ee uu hogaamiyaha kayahay Super Star Shahrukh Khan duubis lagu bilaabi doono bisha dambe ee November ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Jilayaasha mashruucaan qeybta ka ahaa ee Deepika Padukone iyo John Abraham aysan qeyb ka noqon doonin duubista filimka.

Arinkaan ayaana hadal heyn abuurtay taasoo la isku weydiinaayo hadii Deepika iyo John filimkaan isaga baxeen, balse wax walba gadaal ayay ka cadaadeen.

Sida uu ku waramay qof ka tirsan kooxda filimkaan Deepika iyo John midna kama bixin mashruucaan balse waxaysan qeyb ka aheyn jadwalka hore ee duubista filimkaan.

Jadwalka hore ayaana filimkaan lagu duubi doonaa gudaha India, Deepika iyo John midkoodna qeyb kama ahan balse jadwalka xiga ayay filimka kusoo biiri doonan.

Sida uu qofkaan ku warbixiyay wali waxaa socoto doorashada goobihii filimka lagu duubi lahaa gaar ahaan qeybaha dibada lagu duubaayo, waana arin aad u adag xiligaan maadaama dunida sidii hore aysan aheyn kadib cudurkii safmarka oo covid19 wax walba ayaa is badaleen.

Dhanka kale warar aanan la xaqiijinin ayaa sheegayo in SRK filimkaan uu ku matali doono jilaa timo dhaadheer leh, waxaana midaas loo sababeeyay kadib markii muuqaalkiisii ugu dambeeyay la arkay asigoo timihiisa dhaadheeraayeen waliba ka dhaadheeraayeen sidooda caadiga aheyd, waana arinta keentay in loo qaato inuu filimka timo dhaadheer ku jili doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here