Maxaa ka jira in fanaanka reer Masar ee dadka nafta u keenay ramadaankii Ramsey Jalaal uu geeriyooday?

0
1420

Waxaa baraha bulshada lagu shaaciyay geerida fanaanka reer masar ee Ramsey Jalaal kaasoo caan ku ah inuu TVyada barnaamijyo xiiso leh kasoo daayo khaasatan xiliyada ramadaanka.

Balse warka dhimashadiisa ayaa waxaa beeniyay afyaheeynka jilayaasha Masar ee Ashraf Zaky wuxuuna yiri mar laweydiiyay hadii uu geeriyooday Ramsey Jalaal; “Hadalkani waa hadal labo labo ah xasbiyallaah wanicmal wakiil, saxaafada iyo warbaahinta waxaa muhiim ah iney wararka iska hubiyaan isla markaasna ilo lagu kalsoonyahay adeegsadaan kahor inteysan faafinin si aysan qeyb uga noqonin faafinta beenta”.

Ramsey Jalal ayaa la shaaciyay inuu geeriyooday xili uu bada dhexdeeda ku duubaayay muuqaal isla markaasna uu libaax badeed qaaday balse warkaas ayaa gadaal ka beenoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here