Waxaa baryahaan cirka galay wararka sheegaayo in jilsaga reer China ee Jackia Chan uu ku dhacay caabuqa halista ah kaasoo dhawaan galka ah ee Corona Virus.

Warkaan oo siweyn ugu baahay daafaha caalamka ayaa waxaa ka jawaab celiyay isla jilaagaan asigoona bartiisa Media soo dhigay qoraal kooban oo uu ku cadeynaayo inuu caafimaad ahaan taam yahay wax cudurna uusan qabin.

Jackie ayaa u mahad celiyay asxaabtii ka walwashay misna lasoo xiriirtay kadib markii ay maqleen jirada Jackie wuxuuna sheegay in hadiyadahooda ugu deeqi doono hay’adaha gargaarka.

China waa wadanka uu ka dilaacay caabuqa halista ah kaasoo daafaha caalamka si xowli ugu faafay mido kayar 2 bilood waxaana cudurkaan ilaa haatan uu ku dhacay ku dhawaad 1 Million oo ruux asigoona ay u dhinteen qiyaastii ilaa 3 kun oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here