Taxanaha Pirates Of The Caribbean wuxuu kamid yahay taxanayaasha loogu jecelyahay daafaha caalamla waxaana taxanahaan oo 5 qeybood ah hogaamiye ka ahaa Johnny Depp.

Balse tan iyo sidii ay fadeexo ugu soo baxday jilaagaan sanadkii 2016dii waxaa laga saaray mashruucaan ayadoo shirkada iska leh ay ka fakartay mustaqbalkeeda si fadeexada Johnny depp wax dhib ah ugu soo jiidin.

Balse haatan waxaa cadaatay in Johnny Depp uusan wax dhib u geysan jirin xaaskiisa isla markaasna uu bari yahay sidaas owgeed masuuliyiinta shirkada Disney ayaa lagu cadaadinayaa in Johnny Depp dib ugu soo celiyaan taxanahaan gaar ahaan qeybtiisa 6aad oo lawada sugaayo.

Waxaa hubaal ah in Johny Depp doorkiisa kabtan Jack Sparrow uusan jili karin qof aan asiga aheyn maadaama siweyn loo wada jeclaaday hab jiliinkiisa doorkaas ee aan caadiga aheyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here