Jilaaga Aditya Roy Kapoor waxaa dhawaan usoo bixi doono filimka Malang kaasoo ay la wado atariishada Disha Patani sidoo kalana doorar muhiim ah ku leeyihiin Anil Kapoor iyo Kunal Khemu waxaana la daawan doonaa 7da bishaan Febraayo.

Hadaba waxaa baryahaan la hadal haayay in jilaagaan uu guursan doono gabadha Modelka ah misna lagu magacaabo Diva Dhawan taasoo ay bilooyinkii ugu dambeeyay la isku xamanaayay.

Balse Aditya mar dhawaan wax laga weydiiyay wuxuu sheegay in taasi aysan xaqiiq aheyn asigoona waxba kama jiraan ku tilmaamay warkaas waxaana sidoo kale arinkaas ka hadashay isla Diva Dhawan ayadoona sheegtay in guur iwm haatan qorsha marnaba ugu jirin.

Aditya Roy Kapor filimkii ugu dambeeyay ee aan ku daawanay wuxuu ahaa filimka Kalank kaasoo Box Officeka Disaster ka noqday balse sanadkaan ayaa waxaa u diyaarsan 3 filim oo midka ugu soo horeeyo yahay Malang kaasoo 7da bisha Febraayo soo bixi doono.

Waxaa ugu xigo filimka Ludo oo soo bixi doono 24ta bisha April halka 10ka July uu usoo bixi doono filimka la yiraahdo Sadak.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here