Maxaa ka jiro in Gigi Hadid iyo Zayn Malik mudo 10 bilood kadib dib isugu soo laabteen?

0
922

Gigi Hadid waa mid kamid ah gabdhaha Modelka isla markaasna taageerayaasha ugu badan caalamka ku leh waxayna barteeda Instagramka ku leedahay in kabadan 50 Million oo Follow taasoo ka dhigeyso 24jirtaan Mareykanka u dhalatay mid kamid ah shakhsiyaadka ugu shacbiyada balaaran.

Zany Malik asna waa heesaa Britain u dhashay asigoona sidoo kale shacbiyad balaaran caalamka ku leh waxaana labadaan horey uga dhaxeeyay xiriir jaceyl kahor inta aysan bilowgii sanadkaan kala harin.

Gigi Hadid ayaa markii ay kala hareen Zayn Malik xiriir la yeelatay jilaaga Taylor Cameron balse bishii hore ayay asna kahartay waxayna wararka haatan sheegayaan sababta ay Taylor uga hartay iney tahay sidii ay ugu laaban laheyd jaceylkeedii hore ee Zayn Malik.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Gigi Hadid in mudo ahba kor ka ilaashaneysay jaceylkeedii hore waxayna sidoo kale la socotay misna follow gareyn jirtay heesaha uu bartiisa soo dhigo ayadoona wararkii ugu dambeeyay haatan sheegayaan in ay khadka taleefanka ku wada xiriiraan isla markaasna wax walbo caadi yihiin

Inkastoo xiriirkoodii hore soo laabtay hadana lama hubo in uu yahay xiriir saaxiibtinimo caadi ah ama midkii jaceyl.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here