Maxaa ka jiro in Hazar uu ogaan doono in Miran wiilkiisa yahay misna Zahra ay warqada u dhiibi doonto?

2
13216

Waxaan xalqadii hore kusoo aragnay in Asmaa ay Zahra u sheegtay in Miran uu dhalay Hazar isla markaasna waxay u dhiibtay warqadii ay Dilshaas u qortay Hazar waxayna ka dalbatay in Hazar arintaan u sheegto oo amaanada ka gudbiso.

Sidoo kale waxaan goosgooska 1aad ee xalqada 23aad nalagu tusay Zahra oo qarka u saaran iney soo bixiso warqadii cadeyneysay in Miran yahay Hazar wiilkiisa ayadoona qarka u saaran in Hazar u sheegto in Miran wiilkiisa yahay.

Hadaba maxaa ka jira wararka sheegaayo in Miran iyo Hazar is ogaadeen?

Sida xaqiiqda waxay tahay mida koowaad sawirka la wareejinaayo waa Photo Shop mida xigtana ma jirto dhacdo arinkaas ku saabsan oo wali lasoo bandhigay anagoo saakayna idiin soo gudbinay goosgooskii 2aad ee xalqada 23aad horayna waa idiin kuugu soo gudbinay goosgooska koowaad ee xalqada 23aad mana jirto dhacdo arinkaas ku saabsan oo lagu soo bandhigay.

Sidoo kale sawirada xalqada 23aad oon dhawaan idinla wadaagi doono ayagana wali waxba laguma soo bandhigin marka warkaas xanta waa kuwa been abuur ah xalqada ayadoo dhameystiran ayay soo gali doontaa habeenka sabtida Filimside ayaana dhacdooyinka ugu muhiimsan idinla wadaagi doonto.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here