Maxaa ka jiro in Kim Kardashian ay qabto cudurka waraabowga iyo walwalka xidigtaan soo wajahay.

0
485

Kim Kardashian waxay kamid tahay shakhsiyaadka ugu caansan aduunka iyadoona caan ka ah barnaamijyada TVyada ka baxa sidoo kalana baraha bulshada dadka ugu shacbiyada balaaran ayay kamid tahay.

Waxaa baryahaan saxaafada mareykanka qoreysay warar sheegayo in Kim Kardashian ay qabto cudurka juudaanka ama waraabowga kadib markii ay calaamado arinkaas u eg isku aragtay.

Kim ayaa sida la sheegay xalad nafsiyeed aan fiicneyn iyo walwal gashay markii loo sheegay in calaamadahaan cudurka waraaboga u khaas yihiin waxayna durba la xiriirtay dhakhtar iyadoona baaritaan martay balse dhakhtarka ayaa niyada u dajiyay Kim Kardashian una sheegay in cudurka haayo uusan aheyn waraabow balse uu yahay cudur la yiraahdo Psoriasis kaasoona ah infakshan ku dhaco laablaabyada jirka.

Xaalada Kim ayaa haatan dagan waxaana la sheegayaa in walwalkii badnaa uu ka dagay maadaama cudurka waraabowga halis badanyahay la tacaamulkiisana dhib tahay markii loo fiiriyo cudurka Psoriasiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here