Maxaa ka jiro in lamaanihii nooga yaabsaday taxanihii weynaa ee Ask Mamnu’ Beren Saat iyo Kivanc Tatlitug dib u midoobi doonaan?

1
790

Cinwaanada wargeysyada ugu waaweyn Turkiga waxaa qabsaday wararka sheegaayo iney dib u midoobi doonaan jilayaasha caanka ah ee Kivanc Tatlitug iyo Beren Saat kuwaasoo horay dadweynaha uga yaabsaday bandhigii ay ku muujiyeen taxanihii weynaa ee Ask Mamnu’.

Shirkada Netflix ayaa haatan dib u mideyn doonto Bihlul iyo Bihtar waxaana ay rabaan iney u dhiibaan filim sheekadiisa horay loo jilay balse toogtaan asigoo turki ah la sameynaayo waxaana qorshaha shirkadu yahay in filimka duubistiisa la bilaabo sanadka 2020ka halka tiyaatarka la saari doono 2021da.

Waxaa xusid mudan in wararkaan kaliya yihiin mid saxaafada qortay xaqiiqdiisana aanan wali la hubin balse waxaa xaqiiqo ah in Beren Saat iyo Kivanc Tatlitug ay kamid yihiin hadeysan no1 aheyn lamaanaha loogu jecelyahay iney shaashada kasoo wada muuqdaan.

Taxanaha Ask Mamnu’ oo ay wada jileen 9 sano kahor wali siweyn ayaa looga xiiseeyaa gudaha Turkiga iyo daafaha caalamka, asigoona taxanahaan uu qeyb ka yahay kuwa guulaha ugu waaweyn gaareyn gudaha turkiga lkn daafaha caalamka waa taxanaha guusha ugu weyn gaaray ilaa iyo maantadaan la joogana dib ayaa loo turjumaa oo luuqado cusub ayaa lagu baahiyaa.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here