Sida aan wada ogsoonahay jilaaga Paul Walker ayaa geeriyooday dhamaadkii sanadkii 2013dii asigoo 40 jir ah kadib markii uu shilgaari halis ah galay wuxuuna inta badan kasoo muuqday filimka hirgalay ee Fast and Furious.

Paul Walker ayaa markii ugu horeysay taxanahaan kasoo muuqday sanadkii 2001dii wuxuuna ahaa qeybtii ugu horeysay kadibna wuxuu kasoo muuqday markale sanadkii 2009kii qeybtii 5aad iyo 6aad iyo 7aad kahor inta uusan geeriyoonin ayadoo qeybtii 7aad duubis ku socoto.

Haatan sida uu shaaca ka qaaday wariyaha caanka ah ee Daniel Richtman jilaagaan ayaa lagu wadaa in muuqaaladiisa kasoo muuqdaan taxanahaan qeybtiisa 9aad oo dhawaan soo bixi doobto.

Ilaa iyo hada warkaan kama aysan hadlin shirkada iska leh filimkaan sidoo kale wariyahaan ma uusan sheegin qaabka uu uga soo muuqan doonohadii qof kale loo ekeysiin doono ama muuqaalo hore Photoshop lagu sameyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here