Atirishada Ileana D’Cruz oo sanadkii hore filimka Rustom ee Super Hit-ka weyn noqday Super Star Akshay Kumar la matashay sido kalena sanadkaan la timid laba filim oo kala ah Mubarakan iyo Baadshaho ayaa arin xasaasi ah banaanka soo dhigtay.
Ileana D’Cruz ayaa sheegtay xili ay dhalin yareed sidoo kalena caqligeeda ku filneyn inay gacanta u gashay wiil dhibaato badan u geestay kaasi oo nafsad ahaan qayaamay.
Ileana D’Cruz ayaa arintaan xasaasiga ah banaanka soo dhigtay waxayna tiri “Hada ka hor saaxiibkey ayaa qalbiga iga dhawaacay jirkeygana ku cayaaray madaama aan jaceyl dhab ah u qaaday laakiin isagana wuxuu ka faa’iideestay sidii aan ugu nuglaa.”
“Qofkaas wuu igu cayaaray indhahana wuu i qabtay wuxuuna igu soo jiitay ereyo macaan, fariimo qalbigaaga badalaayo iyo oraahyo aan laga dhargeynin laakiin markii dambe siweyn ayuu ii dhiig miirtay”
“Hadii waalidkeyga aysan garab weyn i siin laheyn markii aan dhibkaan dhexda ka
galay maanta masii noolaan laheyn iskaba dhaaf inaan atirisho noqdo ama aan heerkaan soo gaaro!”
Ileana D’Cruz waxay ku boorisay gabdhaha yar yar ee Hindiya iyo kuwa daafaha caalamka ku nool inay noqdaan kuwo caqli badan sidoo kalena si dagan dhulka ugu socdaan madaama ay