Home » Nolosha Jilaayaasha » Maxaa Ka Taqaana Rugcadaa Shashi Kapoor Xidigaha Uu Bollywoodka Ka Taageri Jiray Iyo Filmka Uu Ugu Jeclaa!!

Maxaa Ka Taqaana Rugcadaa Shashi Kapoor Xidigaha Uu Bollywoodka Ka Taageri Jiray Iyo Filmka Uu Ugu Jeclaa!!

Mid kamid ah Super Stars ka ugu waaweyna Bollywoodka maqaam sarena fanka ka gaaray ayaa shalay oo isniin aheyd dunida macsalaameyay.

Bollywoodka ayaa tacsi weyn u taalo maadama Hero of Romance ninka ay ugu yeeri jiren shalay ka tagay, hadaba waxaan idiin heynaa macluumaad u gaar ah xidigaan 79 sano asigoo jiro dhintay.

Shashi Kapoor wuxuu kamid ahaa halyeeyda Bollywoodka ugu caansaned bari samaadki sidaa awged oo ay tahayna wuxuu lahaa dooq iyo xidigo uu taagero.

Kapoor Bollywoodka wuxuu ka taageri jiray dhanka atoorayaasha aabihiisa ahaana rugcadaa fanka hindiya soo bilaaway kaaso lagu magacaabo Prithviraj Kapoor ahna ninka reer Kapoor laga soo gaaray.

Prithviraj Kapoor wuxuu kamid ahaa dadkii ugu horeyay ee sameyaan aflaamta maanta aan daawanoee Hindiga la dhaho waa mid kamid ah nimanki laga soo gaaray film sameyow ama atooranimo dhanka Bollywoodka.

Sido kale Shashi wuxuu dhanka atiriishoyinka taagero u ahaa atiriishadii bari samaadkii Nanda taaso kamid aheyd dadkii waayadi fanka bilaawanayey lagu bilaaway fanka.

dhanka aflaamta wuxuu ugu jeclaa abid filmka walaalkiisa iska lahaa ee Awara kaasona la daawaday sanadkii 1951.

Awara waxaa Director, Producer iyo Actor ba ka ahaa Shashi Kapoor walalkiisa Raj Kapoor kaasona ah aabaha dhalay rugcadaa Rishi Kapoor.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *