Director SS Rajamouli filimkiisa weyn RRR waxaa hogaamiyaal ka ah Ram Charan iyo Jr NTR halka Ajay Devgn iyo Alia Bhatt doorar muhiim ah ku leeyihin waxaana lagu tilmaamay midka ugu weyn dhawaanahan guud ahaan fanka Hindiya sameeyaan asigoo miisaaniyad xoogan xambaarsan.

Haatan shabakada Bollywood Hungama waxay ogaatay in RRR hadal heyntiisa cirka gashay kadib markii ay xog ku heleen Superstar Aamir Khan mashruucan muuqaal muhiim ah oo kooban ku yeelan doono taasi oo ka dhigan in RRR sanadka dambe noqon doono filimka ugu weyn uguna hadal heynta badan ee fanka Hindiya la imaan doonaan.

Aamir Khan doorkiisa ma ahan inuu filimkan muuqaal ahaan kaga soo muuqan doono balse inta badan doorkiisa wuxuu noqon doonaa cod ahaan asigoo marwalbo sharxaayo ama ka sheekanayo cod ahaan doorarka filimkan iyo qaabka sheekada u socoto weliba Aamir isaga ayaa daawadayaasha bari doono doorarka Ram Charan iyo NTR marka ay shaashada soo galayaan sidaa darteed Director Rajamouli wuxuu diyaariyay qorshe cusub oo mashruucan dadka looga sii gadaayo asigoo horey filimkan mid weyn u ahaa.

Dhinaca kale Aamir Khan dhawaan wuxuu amba qaadayaa duubista filimkiisa Laal Singh Chaddha oo Kareena Kapoor Khan la jileyso lana daawan doono Christmas 2021 sidoo kalena mashruucan Aamir isaga ayaa soo saare ah waxaana sheego ahaan laga soo min guuriyay filimka Hollywood-ka ah Forest Gump ee uu Tom Hanks sanadii 1994 abaal marinta Oscar ku qaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here