Aditya Roy Kapur waqti wacan ayuu ku jiraa kadib markii filimkiisa Malang ee bilawgii sanadkan la daawaday bandhigii heerka sare ahaa uu ka sameeyay la wada amaanay wuxuuna haatan rabaa doorkiisa jilaan ee dhanka Action-ka ah inuu sii amba qaado sidaa darteed wuxuu sameyn doonaa Director Ahmed Khan filimkiisa xiga.

Director Ahmed Khan wuxuu ku caan baxay sameynta Baaghi 2 iyo Baaghi 3 haatana wuxuu diyaariyay sheeko cusub oo Action ah si caalami ah loo sameyn doono waxayna isla hadleen Aditya Roy Kapur oo aqbalay inuu filimkan hogaamiye ka noqdo asigoo awoodiisa dhanka Action-ka adeegsan doono.

Qorshaha wuxuu yahay filimkan dhamaadka sanadkan duubis in lagu bilaabo sidoo kalena labo bilood xariir ah ayaa jadwal ahaan lagu dhameestiri doonaa waxaana la qorsheenaa xagaaga dambe in la daawado filimkan Action-ka ah oo Aditya ku xarakeen doono sidoo kalena dhawaan ayaa lagu dhawaaqi doonaa atirishada filimkan iyo jilaayaasha kale ee doorarka caawiye qaadan doonaan.

Aditya Roy Kapur wuxuu dhawaan isaga baxay filimka Ek Villain 2 kadib markii uu saluugay booska Director Mohit Suri u bandhigay oo ah in atoore labaad filimkan ka noqdo halka John Abraham doorka hogaaminta qaato sidaa darteed Aditya hadda wuxuu doortay Ahmed Khan inuu la shaqeeyo wuxuuna helay filim uu hogaamiye ka yahay halkii uu John caawiye u noqon lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here