Director Rohit Shetty nimaad cusub ayuu Bollywood-ka u bilaabay oo ah inuu sameeyo aflaan fariin booliska xambaarsan oo hab ganacsi heer sare ah loo diyaarinayo sidoo kalena hogaamiyaha mashruuciisana garab siinayaan atoorayaasha isaga u sameeyaan filimadan fariinta booliska xambaarsan.

Sheekadan waxay soo bilaabatay dhamaadkii 2018 markii Rohit filimkiisii Simmba ee Ranveer Singh hogaamiye ka ahaa dhamaadka filimkan kasoo muuqday Ajay Devgn doorkiisa Singham oo garab adag siinayo iyo sidoo kale Akshay Kumar oo lagu soo qatimay filimkan asigoo labiska booliska oo la balan qaadayo taxanaha fariinta aflaanta booliska inuu kusoo biirayo Kumar iyo filimkiisa cusub Sooryavanshi.

Dhawaan waxaan wada daawanay goos gooska filimka Sooryavanshi oo naga wada yaabiyay kadib markii Director Rohit Shetty uu isku keenay Akshay oo hogaamiyaha filimkan halka Ajay doorkiisa Singham iyo Ranveer doorkiisa Simmba ka garab dagaalamayaan dhamaadka filimkan siweyna looga wada helay.

Haatan waxaa la ogaaday in Superstar Akshay Kumar kasoo muuqan doono filimka Singham 3 ee caan ku yahay Superstar Ajay Devgn waxaana marwalbo agaasimo Rohit Shetty qorshahana wuxuu yahay sanadka dambe in la daawado S3.

Akshay ayaa door muhiim ah balse muuqaal marti ah ka qaadan doono Singham 3 asigoo shaashada kaga soo muuqan doono doorkiisa filimka Sooryavanshi waxaana la sheegay in dhamaadka Singham 3 inuu Ajay Devgn ka gara dagaalami doono.

Dhinaca kale Director Rohit Shetty wuxuu sheegay in filimkiisa Sooryavanshi la daawan doono marka xaalada caadi kusoo laabato wuxuuna beeniyay in filimka Radhe ee Salman Khan hogaamiye ka yahay Ciidul fitrigan isku dhici doonaan 22-ka May 2020 wuxuuna Rohit leeyahay xaaladan adag haddii laga baxo macquul ma ahan labo filim oo waa weyn oo dhaqaalaha Bollywood-ka kabi karaan in hal maalin masraxa la isla saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here