Shirkadaha Eros International iyo Maddock Films waxay si rasmi ah shaaca kaga qaadeen filimka cabsida iyo shactirada isku jiro Go Goa Gone oo sanadii 2013 la daawaday in haatan qaybtiisa labaad Go Goa Gone 2 si rasmi ah duubis ugu bilaaban doonto bisha September ee isla sanadkan waxaana siweyn usoo dhaweeyeen daawadayaasha taxanahan jecel.

Filimkan Saif Ali Khan, Kunal Khemu iyo jilayaal kale hogaamiyaal ka ah waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in la daawan doono Maarso 2021 waxaana sheekada laga amba qaadi doonaa halka ay ku dhamaatay qaybtii hore mashruucan Zombie-ga ah ama cabsida iyo shactirada isku jiro.

Saif Ali Khan ayaa dhawaan sheegay in Go Goa Gone 2 sheekadiisa diyaarsan tahay haatana shirkadaha filimkan maal galinayaan waxay xaqiijiyeen in September shaqadiisa bilaaban doonto sanadka dambena la daawan doono gaar ahaan bisha Maarso.

Filimkan waxaa isla agaasime doonaan Raj Nidimoru and Krishna DK oo qaybtii kowaad sameeyeen halka Saif Ali Khan, Kunal Khemu iyo Vir Das doorarkooda amba qaadi doonaan waxaana la sheegay filimkan in siweyn qaybtiisa loo tayeydoono miisaaniyadiisana sare loo qaadi doono si mashruuc weyn looga dhigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here