Ira Khan waa gabar 22 jir ah hami weyna leh waxay gabadhaan jeceshahay inee noqoto Filimsameyso (Director) waana xirfadeeda kowaad oo ay misane ka hesho inee ku shaqeesato ilaa yaraanteeda ayeena ku hamin jirtay.

Ira si cad ayee u sheegtay ineysan jecleen atiriishonimo iyo inee shaashada soo hor istaagto misane Filim jisho balse ay jeceshahay Filimka ine iyada sameeyso.

Gabadhaan waxaa la weydiiyay hadii aysan atiriisho noqon karin bal macquul matahay ayaa la dhahay inaa aabaha Aamir Filim u sameeyso mustaqbalka dhow waxayna ku jawaabtay sida tan.

“Haa waan jeclahay inaan aabo Filim usameeyo maxaa ka xiiso badan Filim aan aniga Director ka ahay isagana uu hogaamiye ka yahay dabcan dadka wey ka heli lahaayen laakiin hal arin ayaa jirto oo meesha laga saari karin.”

“Taaso ah inaan aniga xirfadan waqti siiyo sababto ah wax walbo bilaaw ayee ii yihiin hader waxaana u baahanahay qibrad badan markaa isdhaho hader ayaa aabo Filim u sameeyn kartaa markaas ayaa u sameynaa waayo ma ahan qof iska caadi ah aabo waa qof wax badan iga og Filimkiisana shaqo yar uma baahno.”

Ira waxay raacday wadadii aabahed oo ah ineysan howl walba ku degdegin hadii ay howl udhaqaaqdana wey ka dhabene shaqo adag ahaan waxaana midaas lagu yaqaana Aamir si fudud waxaa la dhihi karaa Mr.Prefectionist iyo gabadhiisa oo Prefectionist kale ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here