Waxaan horey idin kula wadaagnay in madaalaha Bollywood-ka Superstar Akshay Kumar sameyn doono filimka weyn Bachchan Pandey ee Sajid Nadiadwala soo saare ka yahay lana daawan doono Christmas 2020.

Haatan waxaa la ogaaday in atirishada caanka ah Kriti Sanon filimka Bachchan Pandey la sameyn doonto Akshay Kumar waxayna noqoneysaa in filimkii labaad isla sameyn doonaan labadan isku soo baxayaan madaama Housefull 4 isla wadaan lana daawanayo 25-ka bishan October.

Filimka Bachchan Pandey waxaa Director ka ah labada aan kala dhicin Farhad Samji sidoo kalena sheekada iyaga ayaa qoreen waxaana mashruucan duubis lagu bilaabi doonaa bisha Febraayo 2020 sidoo kalena shaqadiisa waxay soo idlaan doontaa May 2020 qorshahan wuxuu yahay in dabyaaqada 2020 la daawado gaar ahaan feestada ciida masiixiga ee ku beegan 25 Dec 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here