Atirishada abaal marinta National Film Awards sanadkii hore ku guuleesatay Keerthy Suresh waxay si rasmi ah shaaca kaga qaaday atooraha waqtiga wacan ku jiro Nithiin inay la sameyn doonto filim cusub oo lagu magacaabo Power Peta waxaana laga howl gali doonaa marka xaalada caadi kusoo laabato.

Nithiin filimkiisii ugu dambeeyay Bheeshma wuxuu noqday Blockbuster weyn haatana wuxuu isku diyaarinaa la shaqeynta Keerthy Suresh ayagoo horey u wada sameeyeen filimkii Range De oo sanadkii hore la duubay balse weli lama daawanin haatana waxay ku midoobeen filimka Power Peta oo Action ah labo qeyboodna laga dhigaayo.

Filimka Power Peta waxaa Director ka ah Krishna Chaitanya waana filimka 30-aad ee Nithiin hogaamiye ka noqdo waxaana la sheegay in Nithiin filimkan jir ahaan is dhisay ficilo halis ahna sameyn doono waana filim Action iyo qayaano isku jiro oo Telugu ama Tollywood ah.

Sidoo kale aqristayaasha qiimaha badan Nithiin wuxuu gacanta ku heestaa dib u sameynta filimka Bollywood-ka ah Andhadhun ee Ayushmann Khurrana sanadkii hore sameeyay kuna qaatay abaal marinta National Film Awards haatana asigoo Telugu ah Nithiin ayaa sameyn doono waxayna ka dhigan tahay xidigan sedex mashaariic oo kala duwan inuu gacanta ku heesto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here