Atooraha soo jiidashada badan Aditya Roy Kapur iyo gabadha fanka kucusub Tara Sutaria waxay isla sameeyn lahaayen Filimka Don Villain uu iskalahaa Mohit Suri balse si lama filaan ah Aditya ayaa mashruucan isaga baxay.

Taageerayaasha ayaa ka niyad jabeen arinkaas maadama la xiiseynaayey wada shaqeynta labadan xidig sikastee ahaataba warar xiiso leh oo soo baxayaan waxay sheegayaan in labadooda filim kale hogaamiyaal ka noqon doonaan.

Wararka waxay sheegayaan in Filimkaan agaasim ka noqon doono Ahmed Khan sido kalena waa mashruuc dagaal u badan oo ay labadooda hogaamin doonaan xitaa doorka Tara waa door ay dagaalami doonto inbadan waa hadee ogolaato misane saxiixato.

Aditya xili hore ayuu doorkiisa isku diyaariyay waxuuna doonayaa durba in duubista la bilaawo waxaana mashruucan si kumeel gaar ah loogu bixiyay Om xogtaan oodhan ma ahan mid rasmi ah ama kooxda filimka shaaca ka qaadeen balse dad iyaga ka akdhow ayaa laga soo xigtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here