Xidigta guusha u saaxiibka ah Katrina Kaif markan waxay tijaabin doontaa door awood badan oo ay ku matali doonto Super Hero sida la ogaaday waxaana mashruucan Director ka noqon doono Ali Abas Zafar oo horey Katrina ugu sameeyay aflaanta Mere Brother Ki Dulhan, Tiger Zinda Hai iyo Bharat waxaana ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo dhanka shaqada ah.

Waxaana la sheegay mashruucan Katrina Super Hero ku matali doonto in Ali Abas Zafar iyo Ronnie Screwvala isla maal galinayaan waxaana laga dhigi doonaa filim taxane ah shaqadiisana waxay bilaaban doontaa inta sanadkan aan ku guda jirno qorshahana wuxuu yahay sanadkan qeybihiisa dambe ama sanadka dambe in la daawado.

Katrina Kaif inta badan laguma gaaro dhanka jirdiska iyo ficilada halista ah ama Action-ka oo ay aflaan kala duwan kusoo bandhigtay sidaa darteed Director Ali Abas Zafar wuxuu aaminsan yahay in Katrina filimkan Super Hero-ga ah door ahaan hogaamintiisa kusoo bixi doonto ayadoo jilaayaal kale lagu soo dari doono.

Dhinaca kale Katrina Kaif haatan waxaa u diyaarsan filimka Sooryavanshi oo ay Akshay Kumar la jileyso lana daawan doono 27 Maarso 2020 waxayna dhawaan xidigtaan iyada iyo kooxda filimka Sooryavanshi oo ugu horeeyaan Director Rohit Shetty iyo Akshay Kumar xayeysiin balaaran u sameyn doonaan filimkan weyn ee la wada sugaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here