Labadan Superstar ee Tollywood-ka laga sameeyo Pawan Kalyan iyo Ravi Teja ayaa la sheegay in filim weyn hogaamiyaal ka wada noqon doonaan mashruucaana si caalami ah loo sameyn doono qorshahana uu yahay sanadka dambe in la daawado waana hadal heyn xoogan oo ka jirto dhankaas iyo Koonfur Hindiya in Pawan iyo Ravi aqbaleen shaashada wadaagaan.

Mashruucan Pawan Kalyan iyo Ravi Teja ku midoobi doonaan waxaa Director ka noqonaayo Dolly oo diyaariyay sheeko labadan Superstar u qeebsami karto waxaana la sheegay filim Tamil ah oo aan magaciisa la sheegin sheekada filimkan laga soo min guuriyay haatana dib loo qoraayo sheekada mashruucan xiisaha badan.

Director Dolly horey wuxuu u Pawan Kalyan ugu sameeyay filimada Gopala Gopala iyo Katamarayudu balse waa markii ugu horeesay ee uu Ravi Teja la shaqeyn doono wuxuuna balan qaaday in labadan Superstar taageerayaashooda marnaba niyad jebin doonin oo uu filimkan weyn si isku mid ah awood ahaan ugu qeybin doono weyna ka aqbaleen.

Ravi Teja haatan waxaa u diyaarsan filimka Crack oo Shruti Haasan la jileyso lana daawan doono 1 May 2020 haddii xaalada caadi kusoo laabato halka Pawan Kalyan isagana u diyaarsan yahay filimka Vakeel Saab oo sheeko ahaan laga soo qaatay filimka Pink ee Bollywood-ka ah balse shaaca lagama qaadin xiliga la daawan doono madaama tiyaatarada Hindiya weli xiran yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here