Sidharth Malhotra iyo Kiara Advani wada shaqeyntooda ayaa si weyn loo hadal hayaa maadama ay dib u bilaaweyn howsha filimkooda Shershaah ee ay wada jilayaan xili Sidharth la sheegay inuu soo gaba gabeeyay jadwalka duubista mashruucan.

Intaas marka laga soo tago waxaa in mudo ah la hadala hayey in xiriir jaceyl ka dhaxeeyo oo ay qarinayaan sababtoo ah kulankooda ayaa batay mudooyinkii udambeeyay sawir qaadayaashana intee sawiro kasoo qaataan ayagoo kulmayaan ayee sawiradaas hadal ka sameeynayeen.

Hadaba Kiara ayaa ugu dambeyn la weydiiyay haddii ay waqtigaan xiriir leedahay iyo inee nolosha kali kutahay suaashana waxaa la weydiiyay intee xayeysiin u sameyneysay filimka Laxmmi Bomb ee bisha dambe la daawan doono.

Kiara waxay tiri,”maya nolosha kali ayaan ku ahay waqtigaan sido kalena shaqadeyda waxaan ka jeclahay malahan oo iyada ayaan muhiimada kowaad siiyaa” Kiara ayaa sidaa tiri dhanka kale xidigtaan Laxmmi Bomb ayee xayeysiin weyn usameyneysaa waxaanna la hogaaminaayo Akshay Kumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here