Markii ugu horeysay ee la isla dhexmaro inee nolosha isku firaaqeyn doonaan lamaanaha caanka ah Abhishek Bachchan iyo Aishwarya Rai oo ay isfuri doonaan waxay ahed sanadkii 2014 xiligaaso la sheegay Aish inee furiin dalbatay.

Saxaafada ayaa xantaan qoreen oo sheegen in Aish u dulqaadan weysay Abhishek mashquulkiisa faraha badan sidaasna ku murmeen kuna kala tagayaan sanadkaan Aishwarya dalxiis ayee diyaarisay iyada, Abhishek iyo gabadhooda Aaradhya ah kaaso Paris ay kusoo dalxiisi lahaayen waxaa la sheegay Abhishek inuu ka cuddur daartay dalxiiskas waxuuna u sheegay xaaskiisa inuu ku mashquulsan yahay duubista filimkii Happy New Year.

Sikastee ahaataba khilaaf ayaa ka dhex dhashtay isla sanadkaan sida xanta sheegeyso markaas ayeena Aish furiin dalbatay balse sheekada oodhan Abhishek ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay isla sanadkaas waxuu baraha bulshada kusoo qoray qoraalkan.

“Oo hada xaaskeyga miyaan furay oo la i ogeysiinayaa waxaan noqday ninkii ugu horeeyay adduunkan la ogeysiinayo furiinka uu furay xaaskiisa fadlan isoo wargaliya marka labaad ee aan guursan doonno.”

Sheekadan ayaa hader dib loo aas-aasay waxaana la sheegayaa in lamaanahan isfuri doonaan sababtana lama oga ilaa hada waxaa macquul ah saxaafada qaarkood uun inee dib u cusbooneysiinayaan sheekadii 5 sano kahor ahed.

1 COMMENT

  1. Abhishek Iyo Aishwarya haddii ay arintan xaqiiq jirto noqoto waa arin aad u haboonayn balse umamalaynayo wayo dhawan ayee ahayd markii qoyskan ay ka soo kabtayn xanuunkii COVId19 kolka sabab kale hadeer muujinayo in heer divorce isla gaaran umamalaynayno dhanka kale waxwalba way dhici karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here