Sidaan wada ognahay Hercai waa taxano caan noqday dadkana si weyn hader ula qabsadeen todobaad walbana dhowr milyan oo qof ayaa Internet-ka ka daawato halka kuwa Tv-yada ka daawadaan xisaab laheen waa taxane ka hadlaayo nolosha qoyska.

Hader meel xiiso leh ayuu marayaa oo sirtii ayaa faraha ka baxday xaaska Hazar ee Zahra waxay ogaatay in Hazar wiil uu dhalay kaaso ah Miiraan waxaana shaki kujira Zahra inee u sheegi doonto Hazar wiilkiisa Miiraan inuu yahay maadama isaga uusan ogeyn.

Hadaba warar xan ah ayaa la faafiyay maanta iyo shalay oo ku aadan taxanahan in gabi ahaanba la joojiyay mana la sheegin sababta loo joojiyay waxaana xusid mudan warkaan dadka faafiyeen inee u badan yihiin shaqsiyaad Soomaali ah oo shacbiyad badan leh misane dadka ka dhaadhiciyeen in musalsalkaan joogsaday.

Qaar kamid ah asaxaabta Filimside ayaa nala soo xiriirtay oo na weydiisay hadii taxanahan la joojiyay oo warkaan run yahay kadib waxaan sameynay baaritaan dheer waxaana soo ogaanay xaqiiqda rasmiga ah.

Xantaan gudaha dadka Soomaalida ah ma dhaafsiisna mana la joojinin taxanaha howshiisa si talan teel ah ayee usocotaa goos goosyada xalqada 22-aad waa lasoo bandhigay iyo sawiradoodaba caawana waa la daawana xalqada 22-aad oo dhameestiran qofkii heli karo kanaalka ATV waa uu ka daawan karaa.

Qofkii aan heli karina beri oo sabti ah dhacdooyinka xalqadan 22-aad ha isku diyaariyo inuu Filimside ka akhristo isla beri ama habeen dambena waxaad ka daawan kartaa kanaalka ATV ee barta YouTube-ka ku leeyihiin.

Filimside waxay idiin xaqiijisay taxanaha inuu socdo oo aan la joojinin ew adiga akhriste diyaar ma u tahay xalqada 22-aad ee beri sabtida lawada sugaayo…

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here