Labadii maalmood udambeysay waxaa baraha bulshada dhex mushaaxayeen warar xan ah oo sheegayaan in filimsameye Karan Johar guud ahaan Bollywoodka laga mamnuucay shirkadiisana la xiraayo maadama uu sido calanka is qaraabeysiga dad badana arinkaas ku eedeyeen iyo inuu garab siiyo caruurta ay dhaleen jilayaasha caanka ah ah halka uu inkiro kuwa garabka u baahan.

Hadaba wararka intaas kuma ekaan waxaa la dhahay Akshay Kumar iyo Rohit Shetty markee arkeen sida Karan loogu kacsan yahay waxay unaxeen filimkooda Sooryavanshi ee tiyaatarada la saarayo feestada Diwali-ga waxayna go’aansadeen inee Karan ka saaraan gabi ahaan Filimka dhan.

Sida guud Karan qeyb ayuu ka maalgalinayaa filimkaan marka waxaa la dhahay Akki iyo Rohit lacagtii Karan kaga baxday filimka ayee u celiyeen arinkl noocaas ah ayaa la faafiyay kooxda Sooryavanshi oo ka hortageysa xantaas been abuurka ah ayaa qoraak soosaaren.

Waxay sheegeyn in warkaas been yahay Karan na filimka kujiro qarash gareeyaha kowaad ee Sooryavanshi na yahay waayo Karan waxa lagu heysto 100% sifiican uma cado inkastoo dacwad maxkamad ka taalo dhanka kale Johar isaga ayaaba careysan oo dhibane ah Bollywoodkana garabkiisa kabaxeen markii lagu kacay hadaba warkaan waa been abuur Karan Bollywood kama bixin si lamid ah Sooryavanshi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here