Maalmahan xan ayaa la isla dhexmaraayey dhanka baraha bulshada oo ku aadan inee uur leedahay atiriishada caanka ah Sonam Kapoor xantaan ayaana bilaawatay kadib markii Sonam sawir dadka shaki ku abuuray ay baraha bulshada soo dhigtay.

Waa sawir la moodo inee uur leedahay waana sawirka sare idiin kaga muuqda saxaafada qaar ayaana ka qiyaas qaateen misane qoreen xan ah “Sonam Kapoor uur ayee leedahay” sikastee ahaataba dad ka akdhow atiriishadan ayaa arinkaas wax kama jiraan ku tilmaameen.

Waliba saxaafada waxaa laga codsaday inee joojiyaan faafinta warkaas wax kama jiraanka ah maadama dad badan run uqaateen inee Sonam uur leedahay waxaa kaloo la sheegay in Sonam si Live ah xantaan u beenin doonto.

Dhanka kale Sonam iyo seygeeda Anand Ahuja guriga ayee karantiil ku yihiin kadib markee kasoo noqdeen London dhowaan aqalka kama aysan soo bixin kudhowaad hal todobaad si ay isaga difaacan caabuqa dilaaga ah ee COVID-19 waxayna hader kusugan yihiin gurigooda Delhi kuyaalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here