Maxaa Kajira Warkii Shalay Ahaa Inuu Geeriyooday Halyeeyga Action-ka Sylvester Stallone (Rambo)?

Waxaa shalay baraha bulshada la isla dhexmaraayey inuu geeriyooday Super Star-ka dhanka Action-ka looga haray Sylvester Stallone ayadoo sawiro been abuur ah lasoo xiganaayey.

Hadaba si lama filaan ah waxaa barta Instagram-ka oga soo hadlay halyeygan xili uu labadiisa gabdhod waqti la qaadanaayey waxuuna qoraal ahaan soo dhigay sida tan.

“Fadlan wararkan been abuurka ah iska fogeeya waa wax kama jiraan aniga waan noolahay ma dhiman waana caafimad qabaa farxad ayaan ku dhexjiraa waxaana waqti hader la qaadanaya gabdhaheyga.”

Tani ma aha markii ugu horeysay ee xidigaan laga been abuurto mudo 18 bilood kahor waxaa sidan oo kale la sheegay in halyeeygan geeriyooday ayadoo markii dambena wax kama jiraan noqotay.

1 Comment

Comments are closed.