Maxaa kala qabsaday boqorkii iyo waziirkii warka jeclaa iyo Odaygii caaqilka ahaa. QISO CAJIIB AH;

0
1191

Hada kahor ayaa waxaa meel duur ah maraayay Boqor waxaana la socday waziirkiisa iyo ilaaladiisa ayagoona ku gudo jireen ugaarsi.

Boqorkii ayaa wuxuu arkay nin oday waayeel ah, markaas ayuu faraskiisii kasoo dagtay odaygiina wareystay waxaana dhex martay sheekadaan;

Boqorkii; iiga waran labadii?

Odaygii; sadax bey noqdeen.

Boqorkii; iiga waran kii xooganaa?

Odaygii; aad ayuu u daciifay.

Boqorkii; iiga waran kii dheeraa?

Odaygii; aad ayuu usoo gaabtay.

Boqorkii; qiimo jaban hasiisan.

Odaygii; waatahay.

Inta sheekadaas dhex mareyso Boqorkii iyo Odayga Waziirka wuu dhageysanayaa balse waxba kama uusan fahmin.

Waziirka inuu sheekado fahmo aad ayuu u doonayay balse boqorka ayuu ka xishoonayay oo ma dooneynin in boqorka ogaado in sheekadaas yar fahmi waayay sidaas darteed waziirkii markii uu boqorka qasrigii tagay ayuu odaygii usoo laabtay.

Waziirkii ayaa Odaygii ku yiri ii sheeg adiga iyo Boqorka sheekada idin dhexmartay balse odaygii ayaa yiri kuuma sheegaayo ilaa aad 2kun oo Diinaar isiiso.
Waziirkii ayaa odaygii lacagtii siiyay wuxuuna weydiiyay muxuu ula jeeday iiga waran labadii iyo jawaabta aad bixisay ee aheyd sadax ayay noqdeen?

Odaygii ayaa yiri; wuxuu ula jeeday labada lugood ana waxaan u sheegay in haatan sadax noqdeen oo usha aan cuskado.

Markaas ayuu waziirkii yiri; Muxuu ula jeeday iiga waran kii xooganaa iyo jawaabta aad bixisayba? Balse Odaygii ayaa yiri kuu sheegi maayo ilaa aad laban laab lacagtii hore iga siiso.

Waziirkii ayaa markaas odaygii siiyay 4 kun oo Diinaar wuxuuna odaygii u sheegay in midka xooganaa uu yahay maqalka waxaana u sheegay inuu soo daciifay oo sidii hore waxba u maqlin.

Waziirkii ayaa markaas hadana odaygii weydiiyay muxuu ula jeeday markuu lahaa iiga waran kii dheeraa iyo jawaabta aad bixisayba?

Odaygii wuxuu dalbaday laban laab lacagtii horey oo ah 8 kun oo diinaar, markii lasiiyay ayuu dhahay wuxuu ula jeeday araga indhaha ana waxaan u sheegay iney soo gaabteen oo daciifeen.

Waziirkii ayaa markaas su’aashii ugu dambeysay weydiiyay asigoona dhahay muxuu ula jeeday markuu lahaa qiimo jaban ha siisan?

Odaygii ayaa markaas yiri tan kuuma sheegaayo ilaa aad 100 kun oo diinaar iga siiso.

Markaas ayuu waziirkii lacagtii bixiyay si uu sheekada uga sal gaaro.

Odaygii markii lacagtii lasiiyay ayuu dhahay; Boqorka wuxuu fahamsanaa inaadan sheekadeena waxba ka fahmin wuxuuna ogaa inaad war jeceshahay oo aad ii imaan doonto si aan kuugu sharaxo sidaas darteed ayuu ii dhahay qiimo yar ha ugu sheegin su’aalihiisa jawaabahooda waana sababta aan qiimo badan kaaga qaaday ee macsalaamo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here