Home » Arimaha Bulshada » Maxaa Kala Qabsaday Juxa Iyo Ninki Xamaaliga Ahaa: Sheeko Qosol Badan (Funny Time)

Maxaa Kala Qabsaday Juxa Iyo Ninki Xamaaliga Ahaa: Sheeko Qosol Badan (Funny Time)

Juxaa ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa uu soo aaday suuqa si uu uga soo iibsado kiish bur ama daqiiq ah, markuu iibsaday kiishkii daqiiqda ahaa ayaa wuxuu u yeedhay nin xamaali ah oo gaadhi gacan wata si uu ugu geeyo gurigiisa .

Juxaa iyo xamaaligii oo kaaryoonaha kuwada burkii ayaa is dabagalay,iyagoo isdaba socda ayaa waxay soo dhex-mareen meel ka mida suuqii oo ay dadku aad ugu badan yihiin aadna cidhiidhi u ah , Muddo ka dib juxaa iyo ninkii xamaaliga ahaa ee waday kiishka burka ah ayaa ku kala lumay suuqa dhexdiisii, inkastoo uu juxa si aad ah uga dhex-baadi goobay suuqa ninkii xamaaliga ahaa, haddana markii danbe wuu ka quustay inuu arko wuxuuna iska beegsady isagagoo ku daalay raadintii xamaaliga gurigiisii.

Maalmo ka dib juxaa wuxuu arkay ninkii xamaaliga ahaa, hase ahaate juxaa wuu ka dhuuntay xamaaligii uu ku ogaa kiishkii daqiiqda ahaa. Qaar ka mid ah asxaabtii juxa ayaa su,aalay sababta uu juxaa uga dhuuntay ninka xamaaliga ahaa ee kiishkiisii burka ahaa la maqan,balse juxaa ayaa ugu jawaabay saaxiibadii ” waxaan ka baqayaa inuu i waydiisto lacagtii xamaaliga ahaa ilaa maanta”