Kamal R Khan waa filim falanqeeye sidoo kale kun hungoobay dhanka jiliinka inuu Bollywood-ka sal dhigto balse lagama nabad galo dhanka baraha bulshada madaama uu jilaayaasha fanka Hindiya wuxuu rabo kaga sheego mana ahan nin xishoonayo oo qofkii uu doonayo ayuu aflagaadeeyaa ama ku maadeestaa.

Markaana Kamal R Khan (KRK) wuxuu weerar ku qaaday atirishada Bollywood-ka iyo Koonfur Hindiya ka dhaxeyo Rakul Preet Singh balse iyadana uma dul qaadanin oo Kamal wey iska dhicay waana arin siweyn baraha bulshada loogu hadal haayo.

KRK ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaal Rakul ah oo dhalo gacanta ku wadato wuxuuna yiri “Waa maxay bal ila fiiriya Rakul soo gacanta kuma wadato dhalo qamri ama cabitaan kulul ah weyna soo iibsatay xili aan bandow ku jirno oo guryaha laga soo bixi karin!”

Laakiin Rakul Preet Singh kama aamusin arinkaan weyna kasoo jawaab celisay ayadoo tiri “Maxaa dhacay maba u maleeneyn goobaha daawooyinka caafimaadka lagu ibiiyo in laga helaayo qamri! Hubsiimada wax ka wanaagsan malahan waxa aan gacanta ku watay waa daawo aan soo iibsaday.”

Sidoo kalena Rakul waxay ku tilmaantay KRK qof aan xishoonin oo jecel marwalbo dadka inuu aflagaadeeyo si uu hadal heyn xun u abuuro isagana dadka ula fal galaan waxayna ku boorisay taageerayaasheeda iyo kuwa aan aheyba inay KRK iska Block gareeyaan oo aysan hadaladiisa aflagaada iyo weerarka uu ku haayo jilaayaasha soo xiganin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here