Mid ka mid ah Directrada ugu caansan Bollywoodka ayaa ugu yeeray seddex xiddig oo muslimiin ah inay jabaan aamusnaantooda maadaama aan yihiin sadexda aktarka ugu taageerayaasha badan kuwaaso laga doonaayo inay dajiyaan shacibka dalka india

dalka india ayaa dhawaan waxaa laga hir-geliyay sharciga cusub ee kuwaaso lagu kala soocaayo diimaha iyo dhalashada kaasoo kiciyay rabshado ka dhaca dalkaas kuwaaso xitaa saameeyay qoysas qaar oo kala haystay diimo kala duwan

Ugu yaraan 25 qof ayaa dhintey tan iyo markii la hergeliyay sharcigan cusub waxaana la arkayay dadweyno fara badan oo ku mudaharaadaya waddooyinka kuwaaso muujinaya sida ay ugu careysan yihiin sharciga dowladda ay dhaqan gelisay iyo iyagoo dhaleeceynaya diin kala soocida muslimiinta iyo hinduuga

Anubhav Sinha oo ka mid ah Directirada ugu caansan dhaleeceeyay Raiiselwasaaraha Hindiya sidoo kalena fariin u diray sadexda khans


Sinha oo ka hadlaya Aamir Khan, Salman Khan iyo Shah Rukh Khan ayaa yiri “sedexda jilaa waa kuwa leh taageerayaal fara badan kaliya hal hadal ay sheegaan waxa uu badali karaa milyan shaqsi ah

Directorkan ayaa lasoo shaqeeyay Shah Rukh Khan filimkii sanadkii 2011 isagoo u sameeyay filimka Ra One.

Rabshadaha iyo duufaanta siyaasadeed ee ku xeeran sharciga ayaa dhibaato weyn ku ah shirkada filimka oo ay ku badan yihiin jilayaasha Muslimka ah, Direcor iyo shaqaalaha

laakiin dhamaantooda waxaa ka awood badan oo ka tiro badan dadka Hinduuga ah Tiro jilayaal ah ayaa ka hadlay sharciga iyo rabshadaha qaar ka mid ah dibadbaxyada ka dhacay Mumbai, oo ah wadnaha Bollywood waxaana ka mid ah atariishada Deepika Padukone

Deepika ayaa ka hadashay iyadoo difaacday muslimiinta sidoo kalena sheegtay inaysan ahayn kuwa sameeya dhibaato iyadoona dafirtay inay wiil Nadeem oo muslim ah ka dambeeyeen in wajiga aashitada lagu shubo laxmi aggarwal

maadaama filimkeeda uu ka hadlaayo laxmi Aggarwal uu dhibaateeyay wiil hindu ah kaaso lagu magacaabo Rajesh waxaana Laxmi caawinaad ay ka helaysaa labo wiil oo muslim ah kuwaaso si weyn u caawinayaan iyagoo xitaa xaqeeda ugu soo dhicinayaan ilaa iyo maxkamada

laakiin atariishadan waxa ay dhibaato iyo aflagaado kala kulantay madaxda iyo qaar ka mid ah xisbiyada hinduuga kuwaasi dadka hinduuga ugu baaqayn inan la daawan filimka Chapaak

Laakiin seddexda Khans midkoodna ma uusan sameynin bayaan guud oo ku saabsan dhacdadan

Directorkan ayaa waxa uu sheegay inaysan macno ku laheyn waxa laga adduunka ka yiraahdo sharciga ama rabshadaha, laakiin waxa muhiim inay sadexda khans ka baxaan aamusnaanta sidoo kalena ku biiraan doodan si ay xal u keenan

Shah Rukh Khan ayaa leh ku dhawaad ​​40 milyan oo taageerayaasha Twitterka ah, halka Salman uu ku leeyahay inka badan 38 milyan iyo Aamir 25. Saddexda Khans midkoodna dhibaatadan kama aysan jawaabin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here