Varun Dhawan iyo Sara Ali Khan waxay isla soo wadaan filimka Coolie No 1. waxaana sheeko ahaan laga soo min guuriyay isla filimka magacan watay ee sanadii 1995 Super Hit ka dhigeen Govinda iyo karism Kapoor waxaana Director ka ah isla David Dhawan oo qaybtii asalka ahayd agaasimay.

Haddaba qorshaha wuxuu ahaa filimka Coolie N0 1. in la daawaday 1 May 2020 balse haatan daawashadiisa dib u dhac ayaa ku imaan doonto saameynta Coronavirus-ka awgeed sidoo kalena balanka wuxuu ahaa 2 April 2020 in goos gooskiisa lasoo bandhigo haatana dib ayaa loo dhigay waana arin muujineyso in mashruucan xiligii loogu tala galay inaan la daawan doonin.

Filimkan duubistiisa bishan gudaheeda ayaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Goa (Goobaay) waxaana haatan u harsan kaliya in la codeeyo balse waxaa dib loogu dhigaa madaama aan la ogeyn xiliga tiyaatarada Hindiya dib loo furi doono iyo waqtiga xaalada caadi kusoo laaban doonto waxaana la isla dhex maraa in filimkan 29-ka bisha May in maraxa la saari doono ama todobaadka ugu horeeyo bisha June balse weli si rasmi ah arinkaan looma xaqiijinin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here